Follow

Keep Up to Date with the Most Important News

By pressing the Subscribe button, you confirm that you have read and are agreeing to our Privacy Policy and Terms of Use

Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada Soomaaliyeed oo ka qayb-galay Dib u eegista Dastuurka

Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka, odayaasha dhaqanka iyo culimada deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC) Khaatumo ayaa magaalada Laascaanood ku yeeshay kulan looga tashanayay wax ka beddelka soo jeedinta cutubiyada 5-9 ee Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed, Hay’adaha waxgaradka u saaran dib u eegista Dastuurka, iyo Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Maamulka SSC Khaatumo.
Duqa Degmada Laascaanood ayaa ugu horreyntii kulanka ka hadlay, isaga oo culimada iyo odayaasha kula dardaarmay inay taladooda iyo fikradooda ka dhiibtaan. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Maamulka SSC Khaatumo Jenaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in culimada iyo odayaasha reer SSC Khaatumo looga baahan yahay inay ka qayb qaataan wax ka bedelka dastuurka cutubiyada 5-9.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa ku booriyay in si weyn ay uga qayb qaataan wax ka beddelka dastuurka, oo ay fursad u heleen dadka deegaanada SSC. Wuxuu intaa ku daray in dadweynuhu ay ka mid yihiin codka afraad ee ka qayb qaadanaya dastuurka, oo ah sharcigii aasaasiga ah ee shuruucda dhammaan ka farcamayaan.
Kulanka wuxuu ka dhaliyay dood lagu ururinayo aragtiyo iyo talo soo jeedin ka timid odayaasha dhaqanka iyo culimada, kuwaas oo leh saamayn weyn bulshada Soomaaliyeed. Qayb-galkoodu waxaa loo arkaa in muhiim u yahay sidii dib u eegista dastuurku ugu noqon lahayd mid ka soo horjeeda codadka kala duwan ee dalka.

Keep Up to Date with the Most Important News

By pressing the Subscribe button, you confirm that you have read and are agreeing to our Privacy Policy and Terms of Use