Gaashaanle Sare Cabdirashiid Maxamuud Cusmaan, taaliyaha qeybta 43aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa safar dhulka ah ku tagay degmada Ceeb Waaq ee gobolka Gedo. Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey saraakiisha amniga ee qeybaha kala duwan ee ka howlgala degmadaasi, halkaasoo uu ka dhageystay warbixinta amniga degmada iyo xaaladda guud ee gobolka.
Taaliyaha qeybtu wuxuu bogaadiyay shaqada culusta ay hayaan ciidamada ku sugan degmadaasi, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in lasii wado waajibaadka qaran ay hayaan si looga fogaado dhibaatooyinka soo gaadhaya shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannadaasi.
Intaa waxaa dheer, Gaashaanle Sare Cabdirashiid wuxuu la hadlay ciidamada ururka 301aad ee qeybta 43aad ee Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan degmada Ceeb Waaq. Wuxuuna ku amaaday adeegga ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta la taagan yahay waqtiga loo soo gabagabeyn lahaa haraadiga maleeshiyaadka caasiirta ah ee ku dhuumaaleysanaya meelo ka kooban oo kamid ah gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland.
Booqashadani waxay muujineysaa go’aanka xukuumadda Soomaaliya ee looga adkeysan lahaa amniga iyo xasiloonida deegaannadaasi iyada oo la dagaalameysa kooxaha argagixisada ah ee khatar ku ah dadka deegaanka.

