Shirweyne qaran oo muhiim ah oo ku saabsan adkeysiga musiibooyinka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Muqdisho. Shirka oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Soomaaliyeed ee Maamulka Musiibooyinka (SODMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna socon doonaa laba maalin, ujeedkadiisuna waa xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hay’adaha caalamiga ah, iyo khubarada si loo kordhiyo awoodda dalka ee u adkeysigiisa musiibooyinka.
Shirka ayaa si rasmi ah u furay Wasiirrka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, waxaana ka qeyb-galay wasiirada qaybaha kala duwan, oo ay ku jiraan waxbarashada, khayraadka biyaha, arrimaha qoyska iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Muqdisho, iyo marti sharafyo kale.
Dr. Cabdulaahi Qaran, Agaasimaha Cilmi-baarista iyo Tababarada ee SODMA, iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho ayaa sharraxay ujeedooyinka shirkan, oo ay ku jiraan soo bandhigida cilmi-baarayaal iyo dhiiri-gelinta dooddo cilmiyeed oo ka dhex marta khubarada iyo hoggaamiyeyaasha leh aqoon iyo khibrad la xiriirta arrintaas.
Shirkan wuxuu isku-keenayaa hay’adaha siyaasadda sameeya, cilmi-baarayaasha, iyo aqoon-yahanada si ay ugu wadaagaan khibradooda iyo aragtidooda ku saabsan habka ugu wanaagsan ee looga dhisi karo bulsho u adkaysan musiibooyinka, loona yareeyo khataraha halista dabiiciga ah ee si joogto ah u haysata Soomaaliya.
Wasiirada Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Khayraadka Biyaha, Arrimaha Qoyska, iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa bogaadiyey hay’adaha soo qaban-qaabiyey, oo ay ka mid yihiin SODMA iyo Jaamacadda Muqdisho, taasoo ay ku ammaaneen talaabadani. Waxay ku ballan-qaaday in ay ka qayb-qaadanayaan falanqaynta natiijooyinka iyo soo-jeedinnada shirkan, kuwaasoo loo geli doono siyaasadaha iyo khidadka qaranka ee ku aaddan yaraynta khataraha musiibooyinka iyo dhisidda adkaysigu.
Shirkan waxaa la filayaa in uu keeno natiijooyad wax ku ool ah oo lagu saleyn doono hanaanka qaranka ee maamulka musiibooyinka, wuxuuna u hogaan doonaa dhinac ah in shirkaasi uu noqdo dhacdad sanadlaha ah oo ay kaga qayb-galayaan aqoon-yahanada Soomaaliyeed, maxaligga iyo dibadda, si ay ugu soo bandhigaan aqoontoodaa iyo xalxalladoodaa arrimaha dalka ku aaddan musiibooyinka dabiiciga ah.